Ciidamada Booliska ayaa saaka aroortii salaadii subax ka hor howlgal burburin ah ka fuliyey Xarunta Dugsiga Hoyga Xamar ee degmada Hdoon, kuna dhow KM4, magaalada Muqdisho.
Dhulka uu dugsigan ku fadhiyo ayaa muddo waxaa ka taagnaa dood, markii ay sheegteen qoys dan guud loogala wareegay, kadibna dacwadoodii markii ay socon weyday ay mar kale dacwad furteen, lagana iibiyey Ganacsato ay u xukmisay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Xukunka Maxkamadda waxaa hore uga digay maamulka Dugsiga Hoyga Xamar, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada ay sidoo kale caddeysay in Dhulkaasi uu yahay dan guud, balse ugu danbeyn ciidamada Booliska ayaa saaka weerarray si ay dhulkaasi ugu wareejiyaan Ganacsatadii laga iibsaday.
Maamulaha Dugsiga Hoyga Xamar C/raxmaan Yuusuf Aadan ayaa hore u faahfaahiyay kiiska dhulka Dugsiga isagoo sheegay in lacag 900,000 Dollar ah lagu iibsaday, lana doonayo in loo bedelo Real State, isaga laftiisana lacago loo keenay inuu meesha u banneeyo, balse uu diiday.
Dacwadda laba kacleynta Dhulkan ee dhulkan ayaa dib loo bilaabay markii talada dalka qabtay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana Bishii Maarso 2020 ay Maxkamadda Gobolka Banaadir u xukuntay ganacsatadii laga iibsaday, iyadoo la amray in la banneeyo dhulkaasi, amarkaas oo maanta ay fuliyeen ciidamada Booliska.
