Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar culus caawa ku qaaday magaalada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dagaalku weli ka socdo degmada Balcad xilligan oo saqdii dhexe ku dhow.
Dagaalka ayaa hadda socda in ku dhow laba saacadood, waxaana Alshabaab u suuragashay inay qabsadaan xarunta degmada iyo saldhigga Booliska, halka Buundada iyo qeybta kale ee magaalada ay ka dagaalamayaan ciidamda dowladda oo iska caabinaya maleeshiyada Alshabaab.
Rasaas culus ayaa laga maqlayaa weli degmada, sida ay sheegayaan dadka degaanka, waxaana jira qasaare dhimsho iyo dhaawac leh, iyadoo xilliga weerarka lagu soo beegay oo ahayd kadib 9:00 fiidnimo ay xaaladda uga sii dartay.
Dad badan ayaa habeenimo ka barakacay degmada Balcad, iyadoo rasaastu dhinac waliba ka socotay, waxaana wararku sheegayaan in rasaas weli la maqlayo.