Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shaaciyey inay tiro ka mida maleeshiyada Alshabaab ku laayeen weerar qorsheysan oo ka dhacay degaanka Bariirre ee Gobolka Sh/Hoose.
Sida uu sheegay Taliyaha Ururka 143-aad ee Ciidanka Milateriga Dhamme Axmed Xasan Siyaad howlgalkan ayaa dhacay kadib markii laga war helay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo tuulooyin ka tirsan Degaanka Bariire lacag uga ururinayey Dadka ku nool, waxayna cidiamada halkaasi ku dileen ilaa 12 Al-shabaab ah.
Ma jirto faahfaahin iyo caddeyn kale oo howlgalkan laga bixiyey, iyadoo Alshabaab iyo ciidamada dowlada ay si joogto ah u sheegtaan iska hor imaadyo dhex mara iyo qasaare ay isu geysteen.


