Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ayaa maanta Alshabaab kala wareegay degaanka CeelBacad oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in degaanka Ceel-Bacad oo ku yaalla xuduudka Hirshbeelle iyo Galmudug ay qabsadeen ciidamada dowladda.
Wuxuu intaasi ku daray in Alshabaab ay ka baxeen degaanka Ceelbacad, kadib markii ay ciidmada dowladda iyo kuwa degaanka halkaasi kusoo dhowwaadeen wuxuuna ka mid yahay deganaadii ugu danbeeyay ee Alshabaab lagala wareego.
