Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ee kumaandooska Danab ay maleeshiyo badan ku dileen dagaal ku dhex maray degaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose.
Sida warbaahinta dowladda kasoo xigtay taliyaha ciidamada Lugta Jen. Yuusuf Odowaa Raage, Ciidamada Xoogga dalka ayaa degaanka Bariire ku dilay in ka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib markii ay xalay weerar kedis ah ku qaadeen saldhig ciidanku ku leeyihiin.
Waa dagaalkii labaad ee Alshabaab lagu jebiyo Gobolka Sh/Hoose, iyadoo Arbacadii weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Awdheegle, halkaasoo looga dilay in ka badan 23 maleeshiyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabab iyo cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay warkan.