Ciidamada Xoogga dalka ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose.
warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan Guutaa 17-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sheegay inay dagaalkaasi ku dileen ku dhawaad 25-maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan nabad-diidka Al-Shabaab.
Ciidamada oo si gaar ah howlgalka uga fuliyay inta u dhexeeysa deegaanada Tawakal iyo Bariire, ayaa dagaal halkaas ka dhacay qasaare ku gaarsiiyeen argagixisada.
Taliyaha ururka 4-aad Guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor Dhamme Nageeye ayaa sheegay inay argagixisada gaarsiiyeen khasaare xooggaan islamarkaasna ay ka dileen 25-maleeshiyaad iyo dhaawac intaasi ka badan.
Howlgalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ay ciidamada ka war heleen in tiro maleeshiyo ah isku urursanayaan deegaanada weerarka lagu qaaday si ay dhagar ugu maleegaan shacabka Soomaaliyeed.
Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha dagaalka oo lagu sheegay mid kooban, waxayna labada dhinac kala sheegtaan guulo.
