Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday degaano ay ku sugan yihiin Alshabaab oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa ka bilowday degaanka Cada-xaar ee Waqooyiga Tuulada Bulacle, Gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab, waxaana weerrka qaaday ciidamada Qaybta 21-aad ee xoogga dalka.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dagaalku yimid qorshe ciidamada dowladda ku doonayaan inay degaanka uga saaraan maleeshiyada Alshabaab, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in weli rasaastu ka socoto goobaha lagu dagaalamayo.
Degaanada Bariga ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab sii xoojiyeen joogitaankooda, iyagoo halis geliyey Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
