Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa weerar ku qaaday maleeshiyo beeleed iyo jabhad uu abaabulay jeneraal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame (Xuud).
Ciidamada oo isugu jira Milaterifa guutada shanaad, NISA iyo Boolis ayaa la sheegay inay amar ku heystaan inay soo qabtaan Jeneraal Xuud iyo maleeshiyadiisa, haddii ay diidaanna ay tallaabo ka qaadaan, iyadoo uu soo baxay amar lagu soo xirayo Jeneraalka.
Jeneraalkan oo sheegay inuu ka horjeedo qorshaha dowladda Federaalka iyo Doorashadii Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa saldhig ka dhigtay degaanada duleedka magaalada Beledweyne ee Qowlad iyo Burqaniiyo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaal ka dhex qarxay labada dhinac, iyadoo maleeshiyadii Jeneraal Xuud ay dib uga gurteen degaanadii ay ku sugnaayeen. Waxaa sidoo kale magaalada Beledweyne ka socdo bannaanbax looga horjeedo dagaalkaasi.
Amarka lagu weerarray maleeshiyada beeleed ee Jeneraal Xuud ayaa yimid kadib markii uu Jeneraalku diiday waanwaan ay wadeen odayaal iyo maamulka Gobolka Hiiraan.
