Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa rasaas saqdii dhexe kadib ka dhacday agagaarka Daljirka Dahsoon oo u dhow Hotelka Maa’ida oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan musharixiin kale.
Ciidamada dowladda gaar ahaan kumaandooska Gorgor ayaa la sheegay inay laba jiho ka weerarreen Hotelka Maa’ida (Ex. Nasahablod) iyo Taalada Daljirka Dahsoon iyadoo ay rasaas culus is weydaarsadeen ciidamada ilaalada mushariixiinta ee Goobahaasi ku sugnaa.
Ciidamada weerarka qaaday ayaa dhinaca danbe uga soo dhowaaday Hotelka Maa’ida, waxaana la sheegay in dib loo celiyey, halka ciidamo kale ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ka ahaa Taallada Daljirka Dahsoon.
Rasaasta ayaa qabowday, iyadoo ay weli xiisad jirto, kadib markii ay dib u durkeen ciidamadii dowladda ee weerarka qaaday; lamana oga inay halkaas ku joojin doonaan weerarka iyo in kale. Ujeedka weerarka ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu yahay joojinta bannaanbaxa qorsheysan.
Ciidamo gurmada ah ayaa gaaray Hotelka ay ku jiraan Musharixiinta ay ugu horeeyaan Madaxweynayaashii hore, waxaana hadda degan xaaladda.
Qoraal uu dhowaan soo dhigay baraha bulshada ayuu Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ku yiri: “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Ahmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan..”
Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ah afhayeenka Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in weerar Gaadmo ah oo madaxweyne Farmaajo amray lagu qaaday Hotelka Maa’ida ujeedkuna ahaa in lagu dilo madaxweynayaashii hore, balse ay ka badbaadeen. Ma jirto wax War ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta waanwaan ka ogolaaday odayaasha dhaqanka Muqdisho, ayaa waxaa ka hor yimid xubno uu u xilsaaray arrintan oo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya hormuud u yahay, waxaana muuqata in laga hortegayo bannaabaxa qorsheysan Jimcaha wax kasta oo ay ku qaadato.
