Ciidamada dowladda Federaalka ayaa magaalada Muqdisho caawa si bareer ah ugu dilay wiil iyo gabar dhalinyarro ahaa oo wallaalo ahaa.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamo watay Gaari ay rasaas ku fureen Mooto Bajaaj ay la socdeen Zaki Maxamud Xuseen Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Xuseen Kalafoge, waxayna u geeriyoodeen rasaastii lagu furay..
Ciidamada falkan geystay ayaa la sheegay inay galbinayeen Gaari aanay rasaastu karin oo wadadda marayey, iyadoo si bareer ah rasaastan ugu furay dadka shacabka ah, taasoo keentay geerida laba walaaĆlo ah oo rasaastu madaxa ka haleeshay.
Meydka labada qof ee la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday Isbitaalka Daaruf Shifaa, waxaana dhaawac ahaan ugu geeriyootay Gabadha, halka wiilka uu isla goobta ku geeriyooday. , waxaa meydkooda lagu baaray Xarunta CID-da.
Dadka ehelka la ah ayaa sheegay in Zakariye iyo Samiiro ay Adeeg u raadiyeen gabar walaashood ah oo fool ahayd. Zakariye ayay da’diisu ahayd 24 sano jir, halka Sowdo ay ahayd 22 sano jir.
Dad fara badan ayaa ka xumaaday dilkan, waxaana la dalbanayaa in askartii dilkan ka danbeysay sharciga la horgeeyo.
