Ciidamada Amniga maamllada Puntland iyo Galmudug oo ay weheliyaan Ciidamada Danab ee Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya hawlgall wadajir ah xalay ka fuliyay xaafado ka tirsan waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Howlgalka oo ahaa kii labaad oo saddex geesood ah ayaa lagu raad joogay xubno ka tirsan Alshabaab oo ka howlgala magaaladaasi, iyadoo lagu so qabtay dad laga shakisan yahay oo baaritaan lagu wado.
Saraakiil Amniga Gaalkacyo ayaa sheegay inay ku raad joogeen xubno ka tirsan Alshabaab oo si qarsoodi ah uga howlgala magaalada Gaalkacyo, kana abaabula qaraxyada iyo dilalka.

Dhowaan ayey ahady markii magaalada Gaalkacyo lagu dilay madaxii Qaraxyada Ashabaab, laguna qabtay mid kale oo damacsanaa inuu qarax la beegsado Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.