Ciidamda Booliska dowladda Soomaaliya ayaa kala eryay oo joojiyey bannaanbax ay dhalinyaro is abaabushay ka dhigeen magaalada Muqdisho, iyagoo uga horjeeda xadgudubka dowladda Kenya iyo Derbiga ay ka dhiseyso degmada Beledxaawo.
Ciidamo Boolis ah oo wata Gadiid uu ku jiro Shabaqle ayaa tegay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere oo uu ka socday bannaanbax oo ahaa dad iskood isu abaabulay oo ka horjeeday dhibaatada Kenya ka wada Gobolka Gedo.
Dadkan isu soo baxay ayaa badnaa dhalinyaro oo Boorar ay ku cambaareynayaan Kenya oo dhul boob ka wada Gobolka Gedo, iyagoo soo maray xaafado dhowr ah, laakiin goobtii ay isugu tegi lahaayeen ay xireen ciidamo diidan bannaanbaxa.