Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saxafiyiin ku howlanaa tebinta bannaanbax ka socda magaalada Muqdisho oo ay dhigayaan darawallada Gaadiidka dadweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay xireen weriyeyaal tebinayey banaabaxa oo xoogiisu ka socday Isgoyska KM4, waxaana laga soo xigtay weriyeyaal ka baxsaday goobta in ciidamada ay weerar ku soo qaadeen ayna qabteen qaarkood iyagoo jirdil u geystay, kuna qaaday Gaari ay wateen.
Ciidamada fuliyey howlgalka lagu bartilmaameedaday Weriyeyaasha ayaa la sheegay inuu watay taliyaha ciidamada Booliska ee saldhigga degmada Hodan, iyadoo warbaahinta Muqdisho ay bilowday inay dalbadaan sii deynta weriyeyaasha la xiray.