Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee maanta howlgal ka sameeyay deegaan qiyaastii dhinaca Bari kaga toosan magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan halkaasi oo ay ku dileen illaa lix ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.
Axmed Maxamed Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada isla markaana hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu dilay howlgalka uu ka mid yahay horjoogihii Al-shabaab ee weeraray fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku lahaayeen gobalka Shabeellaha Dhexe kaas oo magaciisa uu ku sheegay Jiiroow Cismaan Cali oo loo yaqaano Jiiroow Dheere.
“Waxaan weerarnay fariisin ay al-shabaab ku lahaayeen meel qiyaastii 20Km dhinaca bari ka xigta magaalada Buuloburde, waxaan halkaasi ku dilnay lix kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab, sidoo kale hub iyo sanhad ciidan ayaan ka soo furanay”ayuu yiri Laba Xidigle Axmed Maxamed.
Sidoo Kale Axmed Maxamed ayaa sheegay in ciidamada howlgalka fuliyay uu mid ka mid ah ka geeriyooday halka laba kalana ay ka dhaawacmeen.
Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ay maanta qafaasheen Gaari ka baxay magaalada Buuloburde kadibna ay dileen darawalkii gaariga waday kadibna ay gaariga dab qabadsiiyeen.
SONNA