Ciidamo taabacsanaa maamulka Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ku biiray Somaliland, kadib xaflad loo qabtay ciidamdaasi oo ka mid noqday milateriga Somaliland.
Ciidamada u wareegay dhinaca Somaliland ayaa lagu qiyaasay 260 Askari, waxayna ka mid ahaayeen Ciidamada Maamulka Khaatumo, xaflad Iagu qabtay deegaanka Carawayn oo 45 km u jirta Magaalada Buuhoodle ayaa lagu soo bandhigay ciidamadan.
Munaasbadda waxaa qeyb galay kulanka wasiirka gaashaandhiga Maamulka Soomaaliland, waxaana la sheegay inaysan qeyb ka ahayn waanwaanta Cali Khaliif la bilaabay maamulka Somaliland.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com