Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada gaarka u tababbaran ee Gaashaan loogu yeeray howlgalka ka socda magaalada Muqdisho, kadib markii muddo 14 saacadood ah uu socday.
Dableyda Alshabaab oo galay Guri ku dhow Hotelka Maka Almukarama ayaa la dilay intooda badan, balse waxaa weli la sheegay inuu ku jiro dabley rasaas ridaya oo ay ku adkaatay ciidamada Booliska inay so afjaraan, taasoo keentay inay ciidamada gaashaan goobtaasi tagaan.
Wax yar kadib markii ciidamada gaarka ah ay gaareen goobta ayaa la maqlay rasaas iyo qaraxyo, waxaana wararku sheegayaan inay ku jiraan howlgalkii ugu danbeeyay oo dableygaasi lagula tacaalayo.
Saraakiisha Booliska ee howlgalka ku jiray tan iyo xalay ayaa hore u sheegay inuu gabagabo yahay howlgalka, balse waxaa kadib la maqlay rasaas iyo qaraxyo goobta ka dhacaya, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan dableyda Alshabaab ee ku harsan dhismaha Carwo Shideeye ee ay galeen AlShabaabku.
Warbaahinta dowladda aya sheegtay in la dilay 3 dabley ah oo ka dagaalamayey dhismaha ay galeen, waxaana weli wax war ah ka soo saarin arrintan, wuxuuna howlgalku galay 17 saacadood, isagoo noqonaya howlgalkii ugu dheeraa, waxaana la maqlayaa qaraxyo Bambooyin gacmeedyo.