Wararka laga helayo magaalada Guriceel ee GobolkaGalgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay caawa gudaha u galeen magalada Guriceel.
Ciidamadan ayaa saddex jiho uga sinqaday magaalada, waxaana markii dambe ay galeen xaafado ka mida magaalada Guriceel oo ay hore uguu sugnaayeen ciidamada Ahlu suna ee uu hoggaaminayay Sheekh Maxamed Shaakir, balse ay dib uga gurteen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ciidamada Ahlusunnada ka baxeen caawa Saldhiga Booliska magaalada Guriceel, halkaasoo ay dadweyne isugu soo baxeen, waxaana xaafado ka mida magaalada gaaray ciidamada is-garabsanaya ee Galmudug iyo milateriga dowladda federalka.
Ciidamada Ahlu suna ayaa difaacyo uga jira qeybo kale oo ka mida magaalada Guriceel, waxaana magaalada isaga baxaya caawa dadkii ugu danbeeyay ee ku harsanaa, iyadoo cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro labada dhinac.
Ciidamada ayaa caawa saddex jiho ka fariistay magaalada Guriceel, sida Barig, Waqooyiga & Koofur, waxayna hore u qabsadeen dugsiga tababarka Ciidamada Har-qaboobe ee duleedka Guriceel iyo koontaroolka Bari markii ay isaga bexeen Ahlusunna.
