Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan kumaandoska Gorgor iyo maleeshiyada Degamaka ee Macawisleyd ayaa maanta howlgallo gaara ka fuliyay, Alshabaabna kala wareegay degaano ku yaalla xadka Gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud.
Degaanada Alshabaab laga saaray ayaa kala ah: Maraay Suuleey, Shiikhoow gaab, Hilowle gaab, Ciid Kuus iyo Xusseen Cageey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.
Sida lagu sheegay war lagu faafiyey warbaahinta dowladda Ciidamadan iskaashanaya oo ka baxay Degmada Ceeldheer ayaa Alshabaab ka sifeeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Ceeldheer, iyadoo lagu burburiyay xarumihii ay halkaas ku lahaayeen.
Howlgalka ayaa la sheegay inu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Deegaanka ee uu wto Khaliif Cumar Macallin, Kabtan Qeyla-wayne iyo Taliye dhamme Fanax ul-wayne.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka ay sii wadayaan inta dhulka carra-gaduudka ah laga sifeeynayo Khawaarijta.