Ciidamo huwan ah oo isugu jira kuwa dowladda Federaalka, Galmudug iyo kuwa Puntland ayaa weerarkii ugu horeeyay kala kulmay kooxda Alshabab kadib markii ay ka ruuqaasadeen degaanka Camaara iyadoo ku jeeday degaanka Ceel Cabdi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay caawa ku sugan yihiin degaanka Caadaley, iyadoo maanta lagu dagaalamay meel u dhow halkaasi markii xarakada Alshabaab ay jidgooyo u dhigeen.
Qasaaraha dagaalka maanta dhacay ayaa lagu sheegay in 4 askari ay ka dhaawacmeen ciidamada huwanta ah, halka kuwa Alshabaab la sheegay iny 15 ka mida ay dhimasho iyo dhaawac leh.
Kooxda Alshabaab ayaa dhinacooda sheegatay inay ciidamada Galmudug iyo Puntland ay ka dileen 10 askari, ayna gaarsiiyeen qasaare weyn.
Duullaanka ciidamada huwanta ah oo ay wehliyeen ciidamo ajnabi ah iyo diyaarado wax basaasa ayaa ku sii jeeda degmada Xarardheere oo ah magaalo muhiim ah oo kooxda Alshbaab ay muddo dheer gacanta ku heysay.
Wadani.com