Ciidamada Iiran ayaa goor dhoweyd shaaciyey inay soo rideen diyaarad nooca Drone-ka ah ee Mareykanka leeyahay, taasoo kusoo xadgudubtay hawadeeda.
Ciidamada ilaalada kacaanka dalka Iiraan ayaa laga soo xigtay in diyaaradda Mareykanka oo basaas ahayd ay ku soo rideen gantaal dhulka laga rido oo hawadda ku burburiyey, waxayna ahayd nooca keligood is-wada ee Drone-ka, kadib markii ay gashay hawada dalka Iiraan.
Diyaaraddan yar oo loo adeegsado basaasidda goobaha milateri ayaa lagu soo riday gobolka Hormozgan ee Koonfurta dalkaa Iiraan. Mareykanka ayaa qirtay in diyaarad nooca Drone ee US Navy MQ-4C Triton looga soo riday dalka Iiraan, balse waxay ku doodeen in lagu soo riday biyaha caalamiga ah ee gacanka Hormuz.
Arrintan ayaa ku soo beegmenysa xillli dalalka Iiran iyo Mareykanka ay xiisad colaadeed u dhaxeyso, laakiin Madaxweynaha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inuusan diyaar u ahayn dagaal uu la galo Iiraan xilligan.