Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta ku dhaqaaqay fal cusub kadib markii ay la wareegeen dabaqyada ku dhow Isgoyska Ceelgaab, gaar ahaan MCH-ka Ceelgaab oo wadadda ka timaada dekadda ay marto.
Ciidamada ilaaliya madaxtooyada ayaa fuulay dusha sare ee Dabaqyada ku dhow Isgoyska Ceelgaabta, waxayna halkaasi ilaalo ka galeen askartaasi iyagoo isha ku haya wadooyinka soo gala aaggaasi oo ahaa halkii uu ka dhacay weerarkii Alshabaab ee Sabtidii hore.
Kadib weerarkaasi ayaa isbedel lagu sameeyay ciidamada fadhigoodu yahay Umultooriyada Ceelgaabta iyadoo jidkaasina guud ahaan lagu jaray Gaari gaashaaman oo nooca nooca loo yaqaan BEEBE ah.
Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ku soo laabanayo wafdigii uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliya, taasoo keentay in la xoojiyo amniga agagaarka madaxtooyada.