Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamada isku dhafka ah e magaalada Gaalkacyo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ka soo gaaray markii ay isku dayeen inay kala dhex galaan labada dhinac ee ku dagaalamay suuqa magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka oo dhex maray maleeshiyooyin ka tisan Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhaashay dhismaha Bakhaar ku yaalla suuqa magaalada Gaalkacyo oo dhinac waliba uu sheeganayo.
Dagaalka maanta waxaa ku dhintay 7 qof, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka mida 2 askari oo ka tirsan ciidamada isku dhafka magaalada iyo askari ka dhaawacmay, iyadoo markaas kadib dib loo celiyay ciidamadii nabadda waday.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xiisadii dagaal ee maanta ay taagan tahay, iyadoo labada dhinac ay ku ballameen in dadaalka nabadeed la anba qaado maalinta berri ah.