Waxaa gudaha Soomalaiya soo gaaray ciidamadii ugu horeeyay ee Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn ATMIS, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada cusub ee dalalka safka hore uga qeyb galayaan wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab.
Ciidamadan ayaa maalmihii ugu danbeeyay kasoo gudbay xuduudka Gobolka Gedo, waxayna yimaadeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo wata gaadiidka dagalaka iyo diyaarado, waxaana horkacayay saraakiil sara oo ka tirsan ciidamdaa Federaalka Itoobiya iyo kuwa Degaanka Soomaalida.
Ciidamadan waxaa hoggaaminayey Madaxa hawlgalinta ciidanka militariga Dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Doolow gaaray.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay Galabta so gaareen Degmada Doolow Gobolka Gedo, waxaana ay ciidmada gaari doonaan kumanaan, sida la sheegay.
Dhinaca kale dalalka Kenya iyo Jabuuti ay Soomaaliya usoo diri doonaan ciidamo, waxaana sidaasi ku heshiiyeymadaxda dalalka safka hore.
