Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa saaka ka baxay degaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan halkaasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay ay Alshabaab weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigyada ciidamada ku lahaayeen halkaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen gadiidka gaashaaman ee Ciidanka Itoobiya oo kasii baxaya halkaa, una jiheystay dhinac magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa sii kordhay degaanada ay ka baxayaan ciidamada Itoobiya iyadoo dhowaan ay sidoo kale isaga baxeen degaanka Moqokori oo muddo 2 sano ka badan ay ku sugnaayeen, kadibna ay la wareegeen kooxda Alshabaab.
Wadani.com