Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM, howgalkana ka wada gobolka Bay ayaa magaalada Baydhaba keenay gaadiid dagaal oo la sheegay inay ka soo qabsadeen kooxda Alshabaab, kadib dagaal culus oo diyaaradaha dagaalka loo adeegsaday oo ka dhacay degaanka Dalandoole ee duleedka Buurhakaba.
Wararka Baydhabo laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay magaalada Baydhaha soo dhex mariyeen gaadiidka ay kasoo qabsadeen Alshabaab, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin, waxayna wararku sheegayaan in dagaalo culus oo ka dhacay Dalandoole lagu dilay Alshabaab fara badan oo tiradooda aan la shaacin, laguna gubay gaadiid dagaal oo ay wateen.
Degaano hoos taga Buurhakaba ayaa dagaallo culus ku dhex mareen Alshabaab iyo ciidamada Itoobiya oo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka nooca helikobtarada, iyadoo qasaare dad rayid ah uu ka dhashay duqeyn ay degaankaasi ka geysteen aakhirkii bishii hore.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]