Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa shaaciyay inay dileen madax iyo saraakiil sare o ka tirsanaa Jabhadda Tigereega oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaasi Seyoum Mesfin.
Howlgal ay fuliyeen milatariga Itoobiya ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo kala ah:
1- Seyoum Mesfin – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda
2- Abey Tsehaye – xubin sare Guddiga fulint TPLF
3- Asmelash Woldesellassie
4- Colonel Kiros Hagos
Tallaabada lagu fulinayay howlgalka ayaa la sheegay in ay daba socotay dalab is-dhiibitaan ah oo siyaasiyiinta iyo saraakiishan loo bandhigay, balse ay ku gacan seydheen. Siyoum Musfin ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinta Itoobiya.
Wuxuu ahaa Mas’uulkii faragelinta Soomaaliya madaxda ka aaah oo hoggamaiye kooxeedyo badan lasoo shaqeeeyay iyo dowladii C/llaahi Yuusuuf. Wuxuuna caan ka ahaa siyaasiyiinta Soomaalida, isagou muddo dheer hoggaaminayay arrimaha Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.
