Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ciidamadeeda guulo ka gaareen dagaalka ka socda Gobolka Tigray, ayna ku dhow yihiin caasimadda Mekelle.
Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo ka dejisay magaalada Asmara, kuwaas oo dagaalka ka soo gelaa dhinaca xuduudka Eritrea, waxaana ilaa afar jiho ka socda dagaal ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku galaan caasimadda Gobolka Tigray iyagoo kashanaya ciiamada Eritrea.
Dagaalyahanada iyo ciidamada gaarka ah ee Tigray ayaa dhinacooda wadaa dagaal culus oo ay ku difaacayaan magaalada caasimadda Makelle oo burburiyeen afar buundo oo magaalada soo gala iyo magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay, waxayna dagaaladu ka socdaan ilaa saddex gobol iyo afar aag.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in “xaalad bina’aadanimo oo ballaaran” ay ku soo fool leedahay Gobolka Tigray taasoo ka dhalatay go’doonka ay ciidamad Itoobiya geliyeen, waxayna ka digtay inay gaajo dadku u dhiman doonaan dagaalka ka hor.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa caddeyay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay, ayna qaadayaan howlgalkii ugu danbeeyay, isagoo diiday baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka.
