Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ciidammada dowladda ay qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee ku taalla Koonfurta Gobolka Tigray.
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay qabsadeen magaalada Alamata- oo dhacda gudaha Tigray kaddib markii ay isaga baxeen xooggaga TPLF. Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Jabhadda TPLF.
Dagaallada dhex maraya ciidamad dowladda Itoobiya iyo kuwa jabhadda TPLF ayaa si xoogl eh uga socda saddex jiho oo ka mida Gobolka Tigray, waxaana ka dhashay qasaare xoog leh, iyadoo gobolkaasi uu guud ahaan go’doon u jiro, lagana jaray xiriirkii isgaarsiinta.
Dhinaca kale hoggaamiyaha Tigreega ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka inay cambaareeyaan dagaalka uu hubka culus u adeegsanayo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ee uu ka wado Gobolka Tigray.
Farriin uu soo saarya Madaxweynaha Gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayuu ku sheegay in Itoobiya ay dagaalka u adeegsaneyso hub casri ah oo ay ka mid yihiin diyaaradaha Drone-ka, wuxuuna ku eedeeyay inuu Abiy Ahmed mas’uul ka yahay denbiyada dagaal ee ka dhacaya Gobolka Tigray iyo dadka lagu xasuuqayo.
Wuxuu kaloo sheegay inuu Abiy Ahmed duqeyn diyaaradeed ku burburinayo Kaabayaasha dhaqaalaha Gobolka sida biyo xireenka Tekeze , iyo warshada sonkorta ee Wolkait.
