Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ayaa ku dhaqaaqay tallaabo kale oo ay ku hirgelinayaan heshiiskii shirqoolkii ahaa ee Jimcihii 7-da Bishan Doolow ku dhex maray hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo, kadib markii ay maanta qabanqaabiyeen xalfad si qasab ah xilka looga wareejinayo guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Wararka laga helayo Doolow ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya si qasab ah ku soo kaxeeyeen Maxamed Cabdi Kaliil iyagoo geeyay xaflad kooban oo si qarsoodi ah loo abaabulay oo xilka uu ku wareejinayo guddoomiyaha degmada Luuq Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) oo Axmed Madoobe xilkaas u magacaabay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in arrintan ay ugu danbeysay qorshe Itoobiyaanka iyo Axmed Madoobe ku heshiiyeen in meesha laga saaro siyaasiyiinta gobolka Gedo ee ka horjeeda Axmed Madoobe oo dhowaan u tartamaya xilka madaxweynaha Jubba mar kale lana filayo inuu ku soo laabto.
Waa tallaabadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Itoobiyaanku ku lug yeeshaan siyaasadda dalka iyagoo taageeraya dhinac ka mida kooxaha iyo maamulada dalka isku haya. Waxaa weli ku xayiran Doolow siyaasiyiin kale oo halkaas u tegay waanwaan ay waday Itoobiya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]