Wararka laga helayo Gobollada Gedo iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee jooga degaanadaasi ay bilaabeen inay dagaalamaan, kadib xiisado ku saleysan qowmiyado oo soo dhex galay.
Laba dhacdo ayaa laga soo weriyey magaalooyinka Baardheere iyo Beledweyne oo ay ku lug yeesheen ciidamo Itoobiyaan ah oo dagaal dhex maray, kadib markii uu saamen ku yeeshay dagaalka dalkooda ka socda.
Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la sheegaya inay isku rasaaseeyeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan. Falkaasi waxaa lagu dilay hal askari iyadoo askarigii kale uu dhaawac soo gaaray. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dhintay askarigii kale.
Labada askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ayaa isku rasaaseeyay bartamaha magalaada Baardheere xilli la sheegay inay adeeg usoo doonteen magaalada, balse markii muran dhex maray ay rasaas mar qura isku fureen.
Dhinaca kale magaalada Beledweyne ayaa laga so weriyey in ciidamada Itoobiyaanka ee jooga aagagga ka tirsan gudaha iyo agagaarka magaalada ay isku kacsan yihiin oo aanu ka dhaxeyn xiriir fiican ka dhaxeynin, iyadoo laga dareemay xiisad u dhaxeysa.
Hore ayey ciidamada Itoobiya ee jooga Bay iyo Bakool hubka uga dhigeen, una xireen boqolaal askari oo kasoo jeeda qowmiyada Tigray, iyadoo dib loogu celiyey dalka Itoobiya.
