Warrka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaasi ay weerarreen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.
Ciidamadda Nabadsugida Maamulka Jubba ayaa xalay weerarray Guri deganaayeen xubno uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Cumar Taajir oo ka tirsan xildhibaanadda maamulka Jubbaland iyo guddoomiyaha Degmada Kismaayo Timajilic.
Ciidamda ayaa xiray guriga ay ku jireen labadan mas’uul iyadoo la diiday in la galo ama laga baxo, waxaana xayiraadaasi ay socotay muddo saacado ah, iyadoo goobta laga maqlayu rasaas.
Lama ujeedka weerarka lagu qaaday Hoyga masuuliyiintan, laakiin waxay ku soo beegantay iyadoo xasaanaddii xildhibaannimo laga qaaday xildhibaan Axmed Taajir oo lagu eedeeyay abaabulka mooshin ka dhan ah xukuumada Axmed Madoobe.