Ciidamada Kenya ayaa sheegay in shalay 20-ka Janaayo ay toogasho ku dileen afar nin oo ay sheegeen inay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan dalka.
Madaxa booliska Kenya, Mutava Muchangi ayaa sheegay in afarta nin la dilay kadib markii saraakiisha booliska ay weerar ku qaadeen guri ku yaalla magaalada xeebta ku taalla ee Malindi, kadib markii ay heleen xog ku saabsan raggan.
“Waxaan helnay akhbaar nagu hoghaamisay guryahan, oo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen argagixiso. Markii aan helnay akhbaarta, waxaan halkaas tagnay qiyaastii 2-dii saq dhexe. Albaabka ayaan garaacnay, balse intii ay naga furi laahaayeen waxaya nagu soo tureen bam gacmeed”. Ayuu yiri Muchangi.
Taleefonada gacanta, bam gacmeedyo iyo qariirad gacanta lagu sawiray, ayaa laga soo helay goobta, sida uu sheegay Muchangi, oo intaas ku daray in mid ka mid ah ragga la dilay uu ku jira liiska dadka sida aadka ah loo doonayo ee Kenya.
“Waxaan haynaa liiska 12 qof, oo 6 ka mid ah si aad ah loo doonayo, qofka magaciisa ku qoran yahay dhexda, waxa uu ka mid ahaa dadkii xalay dhintay, oo u geeriyooday dhaawac xooggan oo booliiska ay gaarsiiyeen” Ayuu yiri.
Horaantii bishan, booliiska Kenya ayaa Mombasa ku xiray qof la tuhusan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana ay soo heleen hub la doonayey in sanadka cusub weerar looga geysto magaalada Mombasa, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.
Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa qeybiyey sawirrada mintidiin la tuhunsan yahay inay yihiin Al-Shabaab, waxaana ay yabooheen lacag lama milyan oo shillinka Kenya ah, una dhiganta ku dhowaad labaatan kun oo dollar, oo la siinayo qofkii keenaa akhbaar hoggaamin karta dilka ama soo qabashada dadkaas.
Wadani.com