Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is mari waa’ Galabta maanta magaalada Kismaayo ku dhex martay Ciidamo Itoobiyaan ah, Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo ku sugan Garoonka Diyaradaha magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay hor istaageen diyaarad siday ku dhowaad 100 askari oo Itoobiyaan , taasoo ka timid magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kuna socday magaalada Kusmaayo, halka wararka qaarkood sheegeen in diyaraadda ay saanad u siday ciidamada Itoobiya; iyadoo diyaradda lagu wargeliyey inaysan ka degi karin Garoonka magaalada Kismaayo, lagana warqabin diyaarad ka imaaneysa Itoobiya.
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay kasoo ruuqaansadeen saldhig ay ku leeyihiin xarunta Jaamacadda, iyadoo doonayey inay galaan Garoonka si ay diyaaradda u socota uga degto garoonka, laakiin waxaa iridka laga galo Garoonka Kismaayo uga hortegay ciidamada Kenya, waxaana la sheegay labada ciidan ee Itoobiya iyo Kenya ay ku sigteen inuu iska hor imaad dhex maro, laakiin markii danbe ay ciidamada Itoobiya ka joogsadeen inay xoog ku galaam Garoonka Kismaayo.
Ciidamada Kenya oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland ayaa ku sugan garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxayna wararku sheegayaan in diyaaradda Milateriga Itoobiya muddo laba jeer ah loo diiday inay ku degto Garoonka magaalada Kismaayo, kadib markii dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha la dhigay gaadiidka dagaalka ee ciidamada Jubbaland; iyadoo markii danbe ka degtay magaalada Baydhaba.
Lama oga ciidamada cusub ee Itoobiyaanka waxa ujeedkoodu ahaa iyo sababta keentay in kuwa Kenya ay ka hortgaan, laakiin labada dowladood ayaa kala taageersan Axmed Madoobe oo doonaya inuu dib xilka usii hayo iyo dowladda Federaalka oo ka horjeeda.


