Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in ciidamada Kumaandooska milateriga Soomaaliya ay saaka la wareegeen degaan ka tirsan Gobolka Sh/dhexe ee maamulka Hirshabeelle.
Ciidamda ayaa la sheegay inay saaka Alshabaab kala wareegeen degaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar, kadib markii weerar qorsheysan ay ciidamadu ku qaadeen koox Alshabaab ka tirsan oo halkaasi gacanta ku heysay.
Ciidamada DANAB aya dhowaan saldhig ka sameystay Shabeelaha Dhexe ayaa howlgalkan fuliyey, waxayna dadka degaanka sheegeen inay Saaka maqleen daryanka hubka kala duwan, lamana sheegin qasaaraha halkaasi ka dhacay.
Weerarka ayaa lagu soo beegay xilli ay degaanka Gamboole ay kooxda Alshabaab kula balansanaayeen Ganacsatada magaalada Jowhar oo ay doonayeen ALShabaab inay ku soo rogaan canshuur.