Ciidamada Xoogga dalka qeybra 43-aad iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ayaa Kooxda Al-Shabaab kala wareegay saaray degaanka Baar Sanguuri oo Kismaayo u jirta 45 KM.
Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad, ciidamada kumaandooska soomaaliya iyo ciidamada daraawiishta jubbaland oo ay taageerayeen ciidamada Mareykanka.
Taliyaha ciidanka xoogga qeybta 43aad General Cismaaciil Saxardiid oo lay soo xigatay Idaacada ciidamada ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa kumaandooska Danab ay Kooxda Argagaxisada Al-shabaab ka saareen deegaanka Sanguuni ee Gobolka jubbada hoose
Howlgalka Al-shabaab looga xureeyay degaanka sanguuni ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaro helikobtar ah oo ay lahaayeen ciidamada Mareykanka. Sidoo kale taliyaha qeybta 43aad ee Xoogga dalka Soomaaliya waxa uu sheegay in dagaalka lagu xoreeyay degaanka Sanguuni in Al-shabaab looga dilay 7-maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge uu ka mid yahay horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi.