Ciidamada DANAB ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaliya ayaa kooxda Alshabaab kala wareegay degaanka Beladul Amiin ee degmada Afgooye, Gobolka Shabeellada hoose.
Weerar qorsheysan ayaa la sheegay inay ckiidamada kumaandooska Soomaaliya ku qaadeen degaanka Beladul Amiin, iyadoo ay la wareegeen kadib markii ay ka baxeen maleeshiyada Alshabaab.
Taliyaha Qaybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga Jen. Cumar Aadan Xasan ayaa sheegay in shabaabkii ku sugnaa ay halkaasi ka firxadeen, markii ciidamada xoogga dalka ay khasaare ay ku gaarsiiyeen sida uu yiri.
“Ciidanka Xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Beladul Amiin oo hoostagga Afgooye, khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka ”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta dowladda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa iska baraha bulshada soo dhigay war kooban oo ku saabsan dagaalka kooxda Alshabaab looga saaray degaankaasi.