Howlgal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ciidamada Milateriga, siiba kumaandooska Soomaaliya ay ku qabteen xubno ka tirsan Alshabaab.
Howlgalkan oo la dhacay degaanka Caanoole ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa laga soo xigtay saraakiisha Milateriga in lagu soo qabtay Dagaalameyaal ka tirsan Shabaab iyo Hub, sida SONNA ay shaacisay.
Dagaalameyaasha la soo qabtay ayaa baaritaano lagu samaynayaa, wuxuuna howlgalkan ka mid yahay tallaabooyin milateri oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ku hayaan Al-shabaab.
Ma jiro warar dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkan iyo xubnaha la soo qabtay heerkooda darajo, waxaana hore u dhacay howlgallo dhowr ah.
Wadani.com