Ciidamada Kumandooska Xoogga Dalka Somaaliya ee Danab ayaa shaaciyey inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Degaanka Carrabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe halkaasoo ay beegsadeen Goob uu shir uga socday saraakiisha kooxda Al-shabaab.
Sida Warbaahinta dowaldda ay kasoo xigatay Taiyaha guutada 16aad ee Danab waxaa weerarkan uu ka dhacay degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo lagu dilay xubno ka mida saraakiisha goobtaas ku sugnaa
Taliyaha Guutada 16-aad ee Danab Gaashanlle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen lagu burburiyey Goobtii ay ku shirayeen saraakiisha Al-shabaab ayna gaarsiiyeen khasaare culus.
Wuxuu intaas ku daray inay weerarkaasi ku dileen saddex sarkaal oo mid ka mida uu ahaa Ajnabi kasoo jeeda dalka Maali oo lagu magacaabo (Abuu Ayman)
Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen maleeshiyaad fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa.
