Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee degaankaasi waxa uu ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska.
Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.
Ciidamada maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya.
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.
