Tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq ayaa ka badan intii saraakisha Pentagonka ay horey u sheegeen, waxaa sidaasi lagu xusay warbixin ay soo saartay waxada Gaashaandhiga Mareykanka.
Rasmi ahaan tirada ciidamada Mreykanka ee ku sugan dalka Suuriya ayaa lagu sheegay 503 askari,halka Ciraaq ay ku sugan yihiin 5,262 oo askari, waxaana Soomaaliya ku sugnaa 50 askari.
Warbixin Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagonka soo saartay ayaa lagu sheegay imika in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ay tiradooda dhan tahay 1,720 askari, halka Suuriya ay tirada ku sheegeen 8,892. Waxaa kaloo Soomaaliya ku sugan 500 askari.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalkaasi ayaa waxa ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda Islamka ee (IS) iyo Alqaacida.
Askarta mareykanka ee jooga Ciraaq iyo Suuriya ayaa wax ka mid ah maclimiin bixiya tababaro militari, la-taliyayaal iyo ciidamo gaar ah. Halka Soomaaliya ay weerarro cirka ku fuliyeen kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Xoghayaha gaashaandhiga ee Mareykanka Jim Mattis ayaa horraantii sanadkan sheegay in tirada ciidamada Mreykanka ee ku sugan Suuriya ,Ciraaq iyo Afqaanistaan dib u eegis lagu samayn doono.
Mareykanka ayay ciidamo ka joogeen Ciraaq tan iyo intii duulaanka lagu qaaday Ciraaq 2003,waxa ayna tirada mar gaartay 168,000 oo askari horraantii bishii September 2007 intii markaas kadib aanu kala bixin madaxweyne Obama.
Weerarrada cirka ee ciidamada Mareykanka ku qaadayo Alshabaab ayaa si weyn u kordhay iyadoo sanadkan ay marayaan 30 duqeyn cirka ah, oo laba kamida lala beegsaday kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay Gobolka Bari.