Wassaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa shaacisay in laba weerar oo dhinaca Cirka ah ay ku qaadeen saldhigyo Alshabaab ku leedahay koonfurta Soomaaliya oo halis ammaan ku ahaa ciidamada Mareykanka.
Weerarada ayaa waxaa geystay diyaaradaha is wada ee Drone-ka, waxaana lagu dilay 12 ka mida kooxda Alshbaab. Wararka laga helay Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeymo xalay iyo maanta ka dhaceen degaanka Yoontoy oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.
Ugu yaraan shan ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, halka inta kale ay yihiin dad rayid ah. Duqayntan ayaa timid iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo is wada ee (Drone) ay duqaymo is daba-joog ah ka geysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.
Wadani.com