Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ciidamada Mareykanka oo la wareegay Nairobi (Warbixin xiiso leh oo ku saabsan socdalka Obama ee Kenya)

    Ciidamada Mareykanka oo la wareegay Nairobi (Warbixin xiiso leh oo ku saabsan socdalka Obama ee Kenya)

    July 24, 20155 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu maanta booqasho ku tegi doono dalka Kenya ee uu kasoo jeedo ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimada ah laga dareemayaa inay la wareegeen ciidamada Mareykanka oo muddo bil ka badan halkaasi ku qulqulayay iyagoo ka muuqda dhammaan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

    Socdaalka madaxweyne Obama ee Kenya waxaa hareeyay wararka ku saabsan kooxda Alshabaab iyadoo dowladda Kenya ay si weyn uga carooray warbixin telefishanka caanka ah ee CNN fadhigiisuna yahay Mareykanka ka diyaariyay socdaalka Obama ee Kenya kuna tilmaamay inuu booqanayo dal argagixisada saldhig u ah.

    obama

    Madaxweynaha Mareykanka oo caadiyan socdaallada uu dibadaha ku aado aad loo ilaaliyo ayaa booqashadiisa dalka Kenya ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay dalka Kenya oo dhan oo hawada laga xiray inta uu joogo Obama iyo gudaha magaalada oo ammaanka si aan hore loo arag loo ilaalinayo iyadoo gebi ahaanba la xiray wadooyin fara badna oo haawanaya, waxaana magaalada Nairobi ay isu bedeshay xero ciidam oo Mareykanku leeyahay.

     

    Baabuurta gaashaamaan ee aan qaraxyada iyo rasaastu karin, diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee Nairobi jooga waxay socdaalka Obama ka dhigeen mid dadka magaalada ku dhaqan gelisay bandow kumeelgaar ah

    Sawirkan wuxuu muujinayaa diyaaradaha iyo babauurta uu adeegsado madaxweynaha Mareykanka iyo sida loo sameeyay oo rasaastu geli karin

    [ad name=”HTML”]

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inta uu joogo Nairobi inuu khudbad ka jeediyay shirweynaha ganacsiga ee Nairobi ka dhacaya, shirkaas ayay safaarada Mareykanka ee Kenya hore uga digtay inuu noqon karo goob ay argagixiso soo weerarto.

    Boqolaalka ciidamada Mareykanka ee tegay Nairobi haddii aanay kumanaan ahayn waxay la wareegeen saddexda hotel ee  Sankara, Villa Rosa Kempinski and Intercontinental , hoteeladan oo wafdiga Obama degi doonaan.

    Hawada magaalada Nairobi ayaa laf ahaanteedu la wareegeen ciidamada Mareykanka, diyaaradaha dagaalka iyo kuwa sirdoonka ee waaweyn oo fadhigoodu yahay dalka Jabuuti ayaa si joogto ah u heehaabaya hawada magaalada Nairobi iyo dalka Kenya guud ahaan, waxaa kaloo lagu arkaa hawada Nairobi diyaaradaha gaarka ah ee madaxweynaha oo ah nooca helikoptarada ayaa dadka Nairobi ay sawiro badan ka qaadeen kuna baahiyeen baraha bulshada ku xiriirto.

    An Osprey at Kenyatta University.
    Diyaaradda lagu magacaabo Osprey  oo taala Jaamacadda  Kenyatta.

    Kenya ayaa sugidda ammaanka caasimadda Nairobi ee uu martida ku yahay madaxweyne Obama ku daadisay ciidamo boolis ah oo gaaraya 10,000 askari si ay y sugaan ammaanka magaalada sida uu sheegay taliyaha ciidamada Booliska Kenya Benson Kibue oo sheegay in jidad fara badan oo muhiim ah ay maanta xiran yihiin magaalada Nairobi.

    Hay’adda Duulimaadka rayidka h ee Kenya waxay shaacisay in hawada Kenya la xiri doono muddo 50 daqiiqo ah marka uu soo degayo wafdiga madaxweyne Obama iyo 40 daqiiqo oo la xiri doono hawada dalkaasi gebi ahaan marka uu ka duulayo Nairobi, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin saacadda uu soo degayo iyo tan uu duulayo ammaanka wafdiga Obama dartiis.

    The presidential limo in New York. PHOTO | BRENDAN SMIALOWSKI | AFP
    Gawaarida madaxweynaha Mareykanka lagu qaado oo yaalla New York, haddana la geeyay Nairobi . PHOTO | BRENDAN SMIALOWSKI | AFP

    Inta madaxweyne Obama ku sugan yahay Nairobi wuxuu ku raaci doonaa gaarigiisa gaarka ah ee lagu magacaabo ‘BEAST” oo ah gaari si gaara loogu sameeyay oo aanay xabadda iyo qaraxdu karin ama wax ka qaadi karin. Baabuurtani wuxuu qiimahoodu dhan yahay  $1.5 million (Hal milyan iyo Bar Doolar) waxayna leeyihiin 8 lugood oo xajmigoodu yahay 8 Inch lagana sameeyay steel, waxaa kaloo dhumaca saqafka gaarigani uu dhan yahay 5-inch oo aanay xabbadu karin, wuxuuna ku qalabeysan adeegyo caafimaad oo dhameystiran oo keyd dhiigga madaxweynaha ahi wehliyo.

    Gaariga Beast Wuxu ka mid yahay 60 baabuur oo la geeyay magaalada Nairobi si socdaalka Madaxweyne Obama ay uga qeyb noqdaan  UU ast is one of as many as 60 vehicles flown into Kenya sida ay sheegeen madaxda garoonka diyaaradaha ee Kenya.

    US government vehicles at a Nairobi hotel. PHOTO| BILLY MUTAHI | NATION MEDIA GROUP
    Gawaarida Mareykanka oo yaala Naironi Hotel  PHOTO| BILLY MUTAHI | NATION MEDIA GROUP

    Socdaalka madaxweynaha Mareykanka ku tegay saddex dal oo afrikaan ah sanadkii 2013 waxaa kharashkii ku baxay lagu qiyaasay 60 ilaa 100 Milyan oo doolar oo ku baxday arrimaha sugidda nabadgelyada madaxweyne Obama ee socdaalkiisii Senegal, South Afrika iy Tanzania. Waxaa la dhaqaajiyay markab dagaal oo xeebaha dalalkaasi gaaray, baabuur iyo diyaarado dagaal oo la geeyay  saddexdaas dal iyo hoteeladii wafdigu adeegsaday sida ay shaacisay jariirada Washington Post.

    The USS Abraham Lincoln transiting the Arabian Sea. FILE PHOTO | US NAVY | AFP
    Markabka USS Abraham Lincoln ee fadhigiisu yahay Badda Carabta . FILE PHOTO | US NAVY | AFP

    sanadkii 1998 madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo booqday six dal oo afrikaan ah waxaa ku baxay  $42.8 million  oo aanay ku jirin kharashaadkii ammaanka ee aan la shaacin. Waxaana kharasha intiisa ugu badan uu ku baxaa Waaxda Difaaca oo daadgureyn hawada ah sameysa iyadoo baabuur qalab iyo ciidamo u soo daadgureyneysa Afrika

    A police patrol in the CBD. PHOTO | JEFF ANGOTE | NATION MEDIA GROUP
    Ciidamada Kenya oo wadooyinka Nairobi gaaf wareegaya. PHOTO | JEFF ANGOTE | NATION MEDIA GROUP

    Madaxweyne Obama intii uu talada qabtay ma booqan dalka Kenya oo uu kasoo jeedo iyo dalka Itoobiya oo saaxiib dhow kula ah Mareykanka dagaalka lagula jiro argagixisa. Shir jaraa’id oo Obama ku qabtay Washington dhowaan wuxuu ka hadlay socdaalkiisa dalka Kenya isagoo yiri: “Haddii aan daacad u hadlo inaan Kenya booqdo anigoo shaqsi caadi ah ayaa iiga fiicnaan lahayd inaan booqdo anigoo madaxweyne ah, maxaa yeelay waxaan markaas awoodi lahaa inaan ka baxo hotelka”.

    Waxaa soo tarjumay oo isku duba riday Wadani.com

    Xuquuqda waxay u dhowran tahay Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Xigasho: AFP, Daily Nation

    Kenya Obama Socdaalka Obama ee Kenya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSuffocating security ahead of Obama visit
    Next Article Liiska Madaxdii ka qeyb gashay xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug -Updated-

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo