Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan degaano hoos taga degmada Balcad oo Alshabaab ku sugnaayeen.
Ciidamadan oo laga qaaday magaalada Muqdisho, kana tirsan guutadada 14-ka Oktoobar ayaa la howlgalaya ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay Sh/Dhexe, iyadoo ciidamadan ay ku baxeen degaanada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad oo si joogto ah oo ay Alshabaab weerarro ka geystaan.
Howlgalka ugu danbeeyay ee saaka ayaa yimid, iyadoo shalay Qarax Miino lala beegsaday kolonyo Ciidamo ah oo ka tirsan AMISOM degaanka Gololeey ee duleedka degmada Balcad, iyadoo sidoo kale ay ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka weerarraan degaanada Alshabaab ka howlgeli jireen.