Ciidamda Xoogga dalka qeybta 12 April y soo bandhugay afar aleeshiyada ah oo lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Taliska 12 Abriil ayaa maleeshiyadaan ku sheegay kuwa geestay falal isugu jira kufsi, dhac iyo jirdil ay kula kacayeen dadka safarka ku maraya Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu sheegay taliyaha Ururka 28 aad Guudada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka Korneel Cabdulqaadir Nuur Xasan Qoondhe.
Taliyaha qeybta 12 Abriil ee ciidnaka Xoogga dalka Soomaliyeed Jeranaal Cabdulaahi Cismaan Cagey oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay in la joogteyn doono howlgalka lagu ciribtirayo burcadda caadeysatay dhibaateeynta shacabka safraya tan iyo inta laga wada sifyeynayo, isagoo sheegay in si isku mid ah ula dagaalimi doonaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS iyo burcadka jidgooyooyina dhiganaya
Saraakiisha 12 Abriil ee ciidkanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afartan maxaabiis ku wareejiyay xeer ilaalinta maxkmada ciidamada qalabka sida si loo marsiiyo sharicga dambiyadii ay galeen.