Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay xubno ka tirsan Alshabaab ku dileen howlgal ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka.
Howlgalka ayaa ka dhacay Deegaanka Kabtanlaas iyo Buulo-Sheekh oo ka tirsan Janaale iyo Qoryooleey ee gobolka shabeellada Hoose, waxaana howlgalka hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. C/xamiid Maxamed Dirir.
Taliyaha Idaacada Ciidamada u sheegya in howlgalka laga fuliyey degaanka Kabtanlaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan degmada Qoryooleey iyo degaanada hoos yimaada, waxaana sidoo kale lala dilay shan Maleeshiyo oo la socday.
Taliyaha Ciidamada Lugta ayaa sheegay in dadka lagu dilay howlgalka uu ka mid yahay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuubakar).
