Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa markii ugu horeysay muddooyinkan danbe ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah laba dabley oo ku dhaawacay Ganacsade degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir shalay galabnimadii, iyadoo is rasaaseyn dhex martay kooxdii rabtay inay ganacsadaha dilaan iyo ciidamada nabadsugida oo halkaas ka dhowaa.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay dhaawacmeen kadibna qabteen mid ka mida labo dhalinyaro ka tirsan Alshabaab oo rasaas ku furay Ganacsade, wuxuuna intaas ku daray dableyga oo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen.
Ninka la qabtay ee ayuu sheegay Afhayeenka inuu qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana kasoo galay kooxdii Xisbul Islaam. wuxuuna uu xusay in markii u horeysay ay tahay in ciidamada amniga ay ganacta ku dhigaan kooxo raba inay dil geystaan.
Wuxuu kaloo sheegay in shabakad isku xiran ay ka jirto degmada Wadajir, kuwaasoo horay dilal kala duwan uga geystay degmadaas, oo dhowaan lagu lagu qaarijiyay dad kala duwan oo dowladda u shaqeynayay.
Wadani.com