Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in caawa ay ciidamada NISA ee Galmudug la wareegeen xaruntii madaxtooyada magaalada Cadaado.
Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa ayaa muddo gacanta ugu jirtay ciidamo beelleed oo degaanka, waaana caawa si buuxda ula wareegay Ciidanka Nabadsugidda NISA oo ay wehliyaan ciidamada Kumaandoosta Danab qeybtood 21aad ee fadhigoodu yahay Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidamada NISA ee Galmudug Cabdi Dheere ayaa hogaaminayey Ciidamada la wareegay Madaxtooyada magaalada Cadaado, waxayna wararku sheegayaan in amarka ay bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tallaabada ay qaaday dowlada Somalia, iyadoo la filayo in qorshe cusub uu ka bilowdo Galmudug.