Ciidamada Hay’adda Nabadugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku soo dhigtay shaqsi basaas u ahaa kooxda Alshabaab.
“Maanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AlShabab, tabinayayna xogaha dhaqdhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi wax kuma noqon. Qabashadan waxay qayb ka tahay nabad kusoo dabaalida caasimadda..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.
NISA ayaan wax faahfaahin ka bixin qofka la qabtay, waxayna kaliya shaacisay in ciidamadeeda ay qabteen shaqsigan la sheegay inuu sahan u ahaa Alshabaab, iyadoo muddooyinkii dambe ay NISA shaaciso warar noocan oo kale ah.