Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaas heegaya in ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ay joojiyeen xaflad uu mgaalada Muqdisho ku qabsan lahaa mid ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha.
Xafladan oo ahayd mid lagu taageerayo Musharax Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa la xaqiijiyey inay ciidamo ka tirsan NISA joojiyeen, kuna amreen maamulka Hotelka aya ka dhici lahayd ee Hotel Afrik inaan la qaban karin.
Ciidamada Hotelka tegay ayaa la sheegay inay ka socdeen Nabadsugidda G/Banaadir oo sheegay inay heystaan amar sare oo lagu joojinayo xafladda. Dadkii lagu casuumay xafladda ayaa la sheega inay dib uga laabteen markii loo shegay in la joojiyey.
Waa tallaabadii ugu horeysay ee dowladda Madaxeyne Farmaajo ku farageliso dhaqdhaqaaqyada Musharixiinta Madaxweynaha, waxayna kusoo beegantay iyadoo xaalad Amni la geliyey Muqdisho, isla markaana maanta la xiray wadooyinka muhiimka ah.
