Taliska ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda NISA ayaa shaaciyey in howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho lagu qabtay xubin ka tirsan Alshabaab.
Qoraal uu soo saaray Taliska NISA ayaa lagu sheegay in xubin ka tirsan Amniyaadka Alshabaab lagu soo qabtay howlgal xalay ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, balse wax faahfaahin ah lagama bixin magaca xubintaasi.
“Ciidamada Amniga ayaa xubin Amniyaat-ka Alshabab ah kusoo qabtay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Heliwaa habeynimadii 13-ka Sabtember, 2018. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Hadii aad hesho xog ku saabsan AS, lasoo xariir ciidanka Amniga..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.